‘’Suldaanka Waan Hambalyaynayaa Xilbuu Dhamaanteen inaka furtay Abwaankeenii Qaaliga ahaa Oo Dulmi Ku Xidhan Ayuu Gurmad Ugu Baxay Kuna Soo Guuleystay’’ Boqor Buur-madow.
Hargeysa,16july,2105(QJ/SDN)- Boqor Cismaan Buur-madow ayaa markii ugu horraysay ka hadlay soo dayntii Abwaan Cabdiwaaxid cali gamadiid iyo hadalo horay uga soo yeedhay Suldaanka Guud ee Somaliland Sul.Maxamed Sul.Cabdiqaadir.
Boqor buurmadow oo goordhoweyd Qoraal ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa ugu horreyn suldaan Maxamed ugu Hambalyeeyay sii dayntii uu kusoo guulaystay Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid iyo sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee uu ugu mahadceliyay shacabka iyo maamulka reer puntland. Boqorka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi ‘’ Suldaan Maxamed Cabdulqaadir madayrkii mar kuu gubay waxaan.maalmahan arkaayey weerar kusocda suldaanka haba ugu xoogbadnaadeen rag salaadiin ah oo saxaafada kuweeraray runtii dhaqan ahaan anigu ma jecli inaan nin hadalkiisa qodob raaco ee waxaan.jeclahay inaan maro wado cusub marko koowaad suldaanka waan hambalyaynayaa xilbuu dhamaanteen inaka furtay abwaankeenii qaaliga ahaan oo dulmi ku xidhan ayuu gurmad ugu baxay kuna soo guuleystay waxaa kale oo hambalyaynayaa isimada iyo xukuumada puntland oo tixgeliyey ixtiraamay suldaanka iyo shacabka soomaaliland waxay sameeyeen gobonimo inaga iyo suldaankaba waynagafarxiyeen suldaanku sidii gobiyeeli jirtay buu yeelay kelmadii ay ku farxi karayeena wuu yidhi hadaba dadkan dhaliilaya waxaan.ku.sagootiyayaa maahmaahdan sheeko ka dhacday hargaysa oo kudhamaatay ceerigaabo dagaalkii habarbartii ayaa nin reer ceerigaabo oo jibriiltuurwaa ah baa wuxu dilay nin ciidagale ah oday maxamed degel oo ay isxigaan gacanku dhiiglaha ayaa hargaysa galay qoladii ninka lagadilay baa masaajid kuqabatay markaasuu ku yidhi waar labamagood baanu idinsiinaynaaye ceerigaabo kaalaya markii ayceerigaabo tageen baywaydiiyeen labdii magood wuxu ugu jawaabay waar ma magtii dheeraadka ahayd ee aan masaajidka kagabaxayey ayaad run uqaadateen sheekadii halmag ayay ku gabagabowday reer soomaliland waxaan leeyahay kelmada suldaanku masaajidka kagabaxaayey yaan lagu qaloocin’’
Hadalka Boqor buur-madow ayaa kusoo beegmaya ka dib markii salaadiin reer Somaliland ahi ay dureen hadal uu horay u yidhi suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir, hadalkaasi oo u dhignaa in midnimada ummadda soomaaliyeed ay tahay ta kaliya ee horumar iyo badhaadhe lagu gaadhi karo, balse hadalkan ayaa laf dhuun-gashay ku noqday salaadiinta kale ee reer Somaliland.
Hargeysa:QJ/SDN