|

Suldaanka Ruuxiga ah ee Beesha Habar-yoonis Oo Luuqad Adag Kaga Falceliyey Weerarka Madaxtooyadu Ku Hayso Guddoomiye Cirro

Hargeysa:Nov,14,2014(SDN/QJ)-Suldaanka Guud   ee Beelaha Habar-yoonis SuldaanSuldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa Noqday Hoggaamiyii ugu horreeyey xagga dhaqanka ee si badheedh ah uga hadlo Hujuumka  Madaxtooyada somaliland ku Hayso Xilka uu Guddoomiyaha Golaha wakiilladu ka Hayo Aqalka Baarlamaanka somaliland.

ina xirsi qaniSuldaanka Guud ee Beelahaasi waxa uu muujiyey inaanu ku qanacsanayn Tallaabada La Doonayo in Meesha lagaga saaro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Mooshin ka dhan oo ay wadaan Aqlabiyadda Golahaas oo Madaxtooyada ku xidhani ay doonayaan inay sabtida Golaha Horkeenaan.

Sudlaankan oo Kaalinta Koowaad kaga jira Saldanada Awoodda badan ee Beelaha Habar-yoonis, ayaa Madaxweynaha somaliland u diray farriin ka kooban Qoddobo dhawr ah, waxana uu luuqad adag ku sharraxay sida aanu u ogolaan doonin Tallaabada Madaxtooyadu ku Doonayso inay Kaga Takhalusto Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo si weyn Madaxtooyadu uga soo horjeeddo.

Waraaqda uu Suldaanku u diray Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidan u dhignayd:

“Mudane Madaxweyne Salaan ka dib, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa Waraaq furan oo Xambaarsan farriin aan u aragnay inay lagama maarmaan tahay inaan kula socodsiino ama ku soo gaadhsiino,taas oo ku saabsan Shirqoolka Sabtida todobaadka dambe laga wado Golaha Wakiilada

 

1.Mudane Madaxweyne, waxaynu halkan ku soo gaadhnay wada hadal,iyo in Wixii khilaafa ee ina dhexyimaada lagu dhameeyo wada xaajood,inagoo xasuusan wixii ka dhacay markii la isku dayay in la ismuquuniyo iyo la isku joojin maayo.

 

2.Mudane Madaxweyne, maanta meeshaynu maraynaa maaha meel u baahan dib u socod ee waa meel u baahan horu-socod,Waxaanan ku xasuusinaynaa Khilaafkii ka dhex dhashay Golaha Wakiiladu wuxuu ka bilaamay laba Kursi oo hoos loo dhigay,halkii uu gaadhayna waad Ogayd iyo halistii uu ina galiyay,iyo waliba doorkii Xukumaddu ku lahayd.waxa kale oo aan ku xasuusinaynaa xalkii Guurtidu ku soo afjartay Khilaafkaas

 

3.Mudane Madaxweyne,waxaanu nahay Madaxdhaqameed Masuuliyiin ah oo aanay ka qarsoonayn waxa dalka ka socda,waxaana noo muuqda doorka Xukumaddu ku leedahay Khilaafka maanta ka taagan Golaha wakiilada.waxaanan ku leenahay Kurgisa Gudoomiye Cirro kama fududaan doono kamana hawl yaraan doono labadii Kursi ee hoos loo dhigay ee wixii ka dhacay aad Ogayd.

 

4.Mudane Madaxweyne,waxaanu ku xasuusinaynaa in labada Kursi ee dalka ugu sareeya ee ah Ka Madaxtooyada iyo ka Golaha guurtidu yihiin kuwa leh Go’aanka kama dambeysta ah ee dalka,Arintan maanta taagana Xumaan iyo wanaag loo raaci doono.

 

5.Mudane Madaxweyne, anagu marnaba kuma qanacsanin Eedaynta Xilka xayuubinta ah, iyo Shirqoolka Xukumaddaadu u maleegayso Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),haddii aan nalaga qancin oo lagu qaado talaabo lagu waxyeelaynayo Gudoomiyaha Wakiilada,wixii halkaas ka dhasha waxaa Eedeeda qaadanaya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Guurtida

 

6.Mudane Madaxweyne,haddii Gudoomiye Cirro caqabad ku yahay Mudo kordhin loo sameeyo Xukumaddaada iyo habsami u socodka hawlaha Xukumadda,waxaanu ku talinaynaa in si Hufan oo aan turxaan lahayn loo dhamaystiro.

Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis ayaan inta Badan ku badnayn Warbaahinta, waxana uu Hadalkiisani kusoo Beegmayaa xilli xaaladda siyaasadeed ee Goluhu kacsan tahay, waxana la dhawrayaa Halka ay ku dambayso Tallaabada la doonayo in Guddoomiye Cirro xilka uu maddada dheer soo hayey lagaga Tukhaantukhiyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed