Suldaanka Guud ee Somaliland oo Taageeray Gollaha Wada Tashiga Somaliland sheegayna in Xukuumadu dooneyso in ay Xabsiga Dhigto
Hargeysa July 15,2013(SDN)-Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa mar uu saxaafada u waramayay manata waxa uu sheegay in Gollaha Wada Tashiga Somaliland la soo dhaweeyo uuna u arko in ay xal waara keeni karaan.
Suldaanku waxa kale oo uu qarxiyay in xukuumada Somaliland ay qorsheysay in Xubnaha ku bahoobay Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ay xabsiyada ku gurto.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa hadaladiisii ka mid ahaa:
“Gollaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka waxaan u arkaa golaha kaliya ee samata-bixin kara xaalada Somaliland ee sii fool-xumaaneysa, golahaasi anigu waan taageersanahay oo waan ku kal-soonahay inay hawsha ka soo bixi doonto sida ugu nabadgelyada baddan waxaanan leeyahay yaan la shareysanin.Dadkanina waa dadkii u soo halgamay gobonimada Somaliland iyo xornimada maanta lagu naaloonayo,xorriyatul-qawlkana waa wixii lagu caano maalay, ee yaan dadka la cabudhinin”. Ayaa uu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com