|

Suldaanka Guud ee Habarjeclo oo HEEGO u quusgooyay iyo Kaahin oo afka furtay

Dubai October 13, 2024(QJ) – Ilo waredyo ka agdhow Suldaanka guud ee Beesha Habarjeclo ayaa soo warinayaa in Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cali uu taageersan yahay goaankii dhawaan Salaadiinta Bashaasi kaga dhawaaqeen degmeda Ceelafweyn.

Goaanka oo ay ku tageereen musharnimada madaxweynenimo ee Cabdiraxmaan Ciro, iyo xisbinimada ururka KAAH.

Ilahan noo waramay ayaa sheegay in Suldaanku goaanka beesha ayidsan yahay kuna metelaan.

Mar aanu weydiinay ilahan wareed sababta ay beeshu uga weecatay Muuse Biixi iyo Kulmiye ayaa la iigu sheegay in Suldaanku tiroba dhawr jeer uu madaxweynuhu ka dhego adeegay dalabaad dhexdhexaadin ahaa oo uu Suldaanka Guud ula tegay Cornel Biixi.

Waxaana u dalbka Suldaanka Guud ee Beesha Habarjeclo ahaa mid khuseysay ganacsade Barkhad Asli Meydi oo ganacsigiisii ilbaabada loo laabay gebi ahaanba.

Ganacsade Barkhad ayaa dhawaan saxaafada u xaqiijiyay in Meheradiisii ay ku qabsadeen HEEGO, isna uu ka dhego adeygay.

Halkaa kolkuu xaal marayo ayaa uu Gudoomiyaha Kulmiye Maxamed Kaahin  afka labadii yeedhay oo weer jac ku siiyay Beesha uu ka soo Jeedo oo uu ku  eedeeyay in ay Suldaanka meel ka dhac ku sameeyeen, oo beeshu aanay laheyn Suldaan guud, balse xaqiiqadu waa in aanu ku faraxsaneyn Goonka beesha oo uu Suldaanka Guudna la qabo.

Si kastaba ha ahaatee Beesha Habarjeclo ay taageeertay Musharaxnimada madaxweyne ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Xisbinimada ururka KAAH oo sababay in HEEGO iyo taageereyaashoodu maryaha tuuraan.

Halka taageereyaashi Kulmiye ee Togdheer Bari haatan laabta u sii daayeen isbedelka dalka ka hirgalay, Kulmiyihii abeyaaashood ku soo tacab beeleena quus ku sagootiyay.

qurbejoog.com

Hargeysa

 

Leave a Reply