|

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ku Guulaystay Inuu Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Dib Xoriyadiisii U Helo: Daawo Sawiradda

Garoowe:(QJ/SDN)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,ayaa si rasmi ah ugu guulaystay inuu Xoriyadiisa usoo celiyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid Abwaanada sida weyn looga yaqaano gayiga ay Soomaalidu degto oo dhan.

ab

Suldaanka iyo Cuqaal kale oo ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Abwaanku ayaa Bilihii ugu danbeeyay waxay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ay kulamo gooni-gooni ah kula lahaayeen Siyaasiyiinta iyo Madaxda Dhaqanka ee Maamulkaasi,iyaga oo ka wada hadlayay sidii Abwaanka Xoriyadiisa loogu soo celin lahaa.

 

Ugu danbanyntiina waxa Maalintii shalay si rasmi ah Xabsiga weyn ee Magaaladda Boosaaso looga soo daayay Abwaan Cabdi Waaxid Cali Gamadiid,waxaana la filayaa inay Maalmaha soo socda soo gaadhaan Caasimadda Soamliland ee Hargaysa.

gam2

Abwaanka ayaa waxa hore loogu xidhay Magaaladda Hargaysa,ka dib markii suugaan ku taageeray Weerar lag halaagsamy oo ay Xoogaga Shabaabku ka fuliyeen Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya,gaar ahaana Suuqii Ganacsiga ee loo yaqaanay Westgate.

Garowe/QJ/SDN

Comments are closed