Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Si adag ula Hadlay Maamulka Degmada Sallaxley oo Ku Eedeeyay in Dhul Degmadooda ka Tirsan uu Gobolka Hawd Hoos geeyay
Hargaysa 27.Aug 2014 (SDN/QJ)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku tilmaamay war been abuura oo aan sal iyo raadtoona lahayn,kaas oo sheegaya inuu Suldaan Maxamed qorsheynayo dhul ay leedahay Sallaxlay inuu ku daro Gobolka HAWD,isla markaana waxa uu eedeeyn kulul u jeediyay Maayarka SALLAXLEY oo uu ku tilmaamay inuu fashilmay.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa u waramayay Shabakada Hayaannews.com, waxaanu yidhi “Anigu Golihii xeer-dejinta mayhi, Wasiirkii arrimaha gudahana mayhi,Sallaxley haddii ay doonayso iyo haddii ay diideyso meel aan u soo maro inaan idhaahdo Bali-gubadle raaca ma jirto.Laakin waddanka xeerka u yaala ayaa loo baahan yahay inay cid-weliba inay sharciga hoos timaado”
Sidoo kale, mar uu Suldaan Maxamed la hadlayay Golaha Deegaanka Sallaxlay,ayaa waxa uu yidhi“Golaha deegaanka Sallaxlayna waxaan u sheegayaa arrintaas been abuurka,ee la leeyahay Suldaan Maxamed dhulkii ay Sallaxlay xukumaysay ayuu raacinayaa Gobolka HAWD,taasi mid aniga ii taala maaha ee waxay u taala Xukuumadda iyo Golaha sharci-dejinta haddii la raacinayo Maroodi-jeex iyo haddii ay raacayso HAWD.Xildhibaanada (Sallaxlay) waxaan leeyahay been ayaa la idiin sheegayaa, ee ha qaadanina”.
“Xeerkii Gobolada iyo degmooyinka weli lama samaynin, waxaanay arrintaasi u taala Golaha sharci dejinta Somaliland, wax Suldaan Maxamed Sameeyana maaha ee sidaas ha loo ogaado.Waxa umadda fikirkaa khaldan loo gelinayaa waxa weeyaan,Xildhibaanada Golaha Deegaanku waxay dareemeen inay iska bedelaan Maayarka,taas ayaana waxan oo been ah uu Maayarku ku sameynayaa.Odayaasha magaalada Hargeysa joogana wuu soo maray oo waxa uu yidhi Suldaan Maxamed ha layga qabto, waxa lagu yidhi maxaa Suldaanka lagaaga qabtaa ee uu kugu sameeyay wuxuu isagu Af-kiisa naga yidhi ee uu yidhi aniga ayaa sidaa (Iscasilaad Maayarnimo) damcay oo ku tashaday, inuu cabasho ka keeno kamaanu filayn, haday ka ahayd wax kalena dadku way wada arkayaan”.Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Isaga oo sii watana waxa uu yidhi“Xildhibaanada Golaha Deegaanka SALLAXLEY-na waxaan leeyahay waar dantiina ka tashada,danta umaddana ka taliya, wixii xeer-dejin ahina waxay u taala Golaha Wakiillada waxba yaan laygu soo xoq-xoqanin aniga, talladan meel uu ku gaadhayna waxba kama ogayn”.Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlaya murran soo kala dhexgalay isaga Maayarka Sallaxlay, waxaanu yidhi“Maayarka Sallaxlay arrin kaliya ayaanu isku qabanay, oo uu Afkiisa noogula yimi, Xildhibaan la yidhaahdo Axmed Qani, ayaa inanta xildhibaanada ee Golaha Sallaxlay ku jirta ku yidhi, Maayarka Sallaxlay Shiine wuxuu igu yidhi meeshan ma wadi karayo, oo waan ka tanaasulayaa Maayarnimada Sallaxlay,haddii aan cid u dhiibayo inantaas (Kawsar) ayaan u dhiibayaa,inantii markay sidaas noogu warantay, ayaan ku idhi bal noogu yeedh cidda aad ka maqashay,uu noo yimi Xildhibaankii, kadibna uu noo waramay.Markaas ayaan idhi bal aynu hubsanee Shiine noogu yeedha, waxa loo yeedhay Shiine intii hore na loogu sheegay oo aanay wax ka dhinayn ayuu noo sheegay,markaas ayaan ku idhi waa-hagaage Xildhibaanadii way kala maqan yihiine ha la doono, intii Hargeysa joogtay ayaa la soo kaxeeyay, dabadeed waa laykeenay, waxaan ku idhi anigu ma hubee Maayar Shiine-na sidaas ayuu yidhi, ee isaga wareysta, markii ay Xildhibaanadii u tageen Maayar Shiine waxa uu ugu jawaabay: Suldaanka ayaan ku baadhanayay oo aan mashqac-gelinayay, anigu ma jawaan bariisa oo mashgac la gelinayo ayaan ahay? Mashqaca uu igu eegayo miyuu isagu (Shiine) isku eego. Oo isaga ayaa looga baahan yahay hawl iyo waxqabad, laakin cid degmada la degta, oo waa la weydiin karaa inaanay 13-Xildhibaan oo Golaha deegaanka Sallaxlay aanay mushahar qaadanin dakhliga ka soo baxana waa la yaqaana, kabka ay dawladu siisana waa la yaqaana, bishaa ugu danbeysay dhowr iyo soddon milyan ayaa ka soo baxay Ton oo kaliya, halkee ayay martay lacagtaasi? Xildhibaanadoow idinku is-weydiiya!. Waxaad u mushahar beesheen iyo dakhliga idin soo galaba waad ogtihiine.”
Mar la weydiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Waxa keenay in lagu soo eedeeyo dhul ay leedahay Magaalada Sallaxlay inuu ku darayo Bali-gubadle, waxa ka jira, waxa uu ku jawaabay“SALLAXLAY waa deegaankaygii, markaan doonana waan tagi karaa, markaan doonana waan ka iman karaa, laakin in la yidhaahdo Suldaanku muxuu Sallaxlay ka soo doonay ciddi lacag iguma lahaa, oo caawa ayaan tagi, oo beri ayaan tagi oo tobban jeer ayaan ku noqon maalintii.laakin waxa meesha ku jiraa waa wax la yaab leh, dadkani way garanayaan waxa meesha ku jira iyagaana la weydiin su’aal aniga ii yaala maaha”.
Sidoo kale, mar la weydiiyay Suldaan Maxamed waxa uu khilaafkani salka ku hayo? Waxa uu ku jawaabay “Waxba la iskuma hayo, maamul xumo iyo farsamo xumo ayaa meesha taala, iyo aqoon darro,”
Waxa iyana la weydiiyay Suldaan Maxamed Cidda uu sheegay inay maamul iyo farsamo xumo hayso ay heyso cidda ay tahay? Waxa uu ku jawaabay“Waxay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Sallaxlay ku eedeynayaan Maayarka SALLAXLEY”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com