|

Suldaan Galaal:“Berigii Gaboose Wasiirka Ahaa Ayuun Baan Maqli jirey Guryo Xaafadda New Hargeysa ku yaalla Oo La Gubay, Xilligaas……”

Hargeysa Aug 28,2013(SDN/Hubaal)-Hargeysa: ( )-Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud, ayaa si kulul u beeniyey wararka sheegaya in shaqaaqo iyo saan-saan colaadeed ka taagan tahay Deegaanka Balli-maxamed Daa’uud oo uu hore Suldaan Yuusuf Xiirey uga soo saaray qaylo dhaan la xidhiidha muranka halkaas ka taagan.

Suldaanka oo Maalntii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Beel ahaan deggan yihiin oo ku sugan yihiin Balligoodii ay muddada badan degenaayeen, islamarkaana aanay wadin wax deegaankaas ku cusub.

Suldaanka oo arrintaas ka hadlaya, ayaa yidhi, “Shaqaaqadaas uu suldaan yuusuf sheegay waxba ka ma jiraan.Ceebkalena ma jirtee dadkani balligoodii bay degeen oo ku ducaysteen, shaqaaqona ma dhicin oo dadkani waa dad walaalo ah, mana arag cid reerkaas suldaanku ka soo jeeda ah(isaxaaq) oo noo timi oo tidhi waxaas ayaanu ka cabanaynaa”

Sidoo kale waxa uu suldaan Galaal ka sheekeeyey taariikh hore oo Balligani soo maray, xilligii goobtaas la degey iyo Ladqabo hore uu Deegaankaas ka galay, waxana uu yidhi,”

“Ballibaa jira u dhaw balligan Maxamed Daa’uudku qoday 55-kii, balli-golis baana la yidhaahdaa, 1995-kii baana qolada reer Golis qodeen, iyadoo wakhtigaana aan anigu ka diiday codsi Beeshayada iiga yimi oo ay leeyihiin aynu ka Aasno Balligeennii bay u soo dhawaadeene. Markaa waxan uu suldaan yuusuf saadinayo ee uu leeyahay shaqaaqaa dhacday anigu ma ogi.”

Waxa kale oo uu suldaanku sheegay tallaabooyin uu saluugay oo uu wasiir-ku-xigeenka Amnigu intuu u yeedhay ugu yeedhiyey Go’aan uu sheegay inuu cid kale ku socday, waxana uu sidoo kale saluug ka muujiyey qaabkii uu wasiir-ku-xigeenku u soo abaabulay kulankii uu salaadiinta kula kulmay, waxana uu yidhi, “Maalin dhaweyd ayaa la igu yidhi wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaa doonayaa oo wasiir-ku-xigeenkaa ku doonaya, waana maalintii ugu horraysay ee aan waligay tegay, waxana la I dhex geeyey toddobaatan nin oo wada gadh-cas ah oo uu suldaan xiiray hogaaminayo, waxana halkaas laga akhriyey, Go’aan la yidhi Guddi baa soo saartay ee waa inaad labadaa Balli gacmihiina ku dumisaan oo Amarkaa fulisaan, warqaddaasina anaga naguma socotee wasiirka arrimaha gudaha ayey ku socotaa, laba Ballina meesha ma jiraan oo waa Balligayaga oo kaliya.”

Waxa kale oo uu suldaanku dhaliilay Amarka ay xukuumaddu u akhriday ee ay ku amartay salaadiinta in la dumiyo Ballida Goobtaas lagu sheegay, waxana uu yidhi,“Dawlad baa wax dumisa intay go’aan soo saarto oo maxkamdaheeda iyo xeerarkeeda marto,Suldaan guryo dhisan ma dumiyo oo wuu dhisaa, mana aha dhaqanka iyo karaamada soomaalida, halkanina maaha Balloodho la iska rarayee waa balligayagii.”

Suldaanka oo mar kale hab masraxiyeysan uga hadlaya Odhaah uu Suldaan Xiirey ku sheegay inuu meelo deegaankaas ka mid ah soo dumiyey, waxa uu yidhi, “Barigii uu Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa ayuun Baan maqli jirey Guryo New Hargeysa ku yaalla ayaa la gubay, markaa waxan uu leeyahay suldaan Xiirey waan Gubay adeer anigu ma garanayee muu yidhaahdo waxbaan dumiyey.”

Suldaanka oo mar kale tilmaamaya inaanu Balligani ka duwanayn Balliyada kale Beelaha reer Somaliland leeyihiin ee qodani, waxa uu yidhi, “Wasiirka Amniga waxan leeyahay Balligaanu Toddobaatan sanadood baanu degenayne Haddii dawladu hayso sharci Balligayaga lagu duminayo oo ka duwan kunkan Balli ee Qodan dee Ha Keento.”

Murankan la xidhiidha arrimaha dhulka oo in mudo ahba soo Taagnaa, ayaa u muuqda mid aanay wali ka soo bixin go’aan mug leh oo labada dhinacba qanciya, waxana maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaya dhiillo iyo warwar ku saabsan in isku dhac ka dhasho halkaas, iyadoo Go’aankan la yidhi Guddi baa soo saartayna aanu ahayn mid wali qaneeco keenay.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed