|

Sugida Xuduuddaha Waxa Caqabadk ku Ah Xukuumaddan Gaaraabidhaanka Daawadsiinaysa Beelaha Darafyada

Hargeysa Nov 20,2012(SDN)-Waxaa in badan soo noqnoqotay in beelaha dacalda Somaliland saluug wayn ka muujiyaan habka saami qaybsiga kuraasta qaranka ,taas oo had iyo jeer aay gadhwadeen ka tahay hadba cid talada ugu saraysa ee shacabku u igmadan ,

Waxaa jira, waxaan indhaha laga qarsan Karin oo cad oo qofkastoo somalilander ah miiskiisa saran ,taas oo ah habka aay beeluhu uga dhex muqdan xukuumadan hada jirta ,iyo sida marka beelaha ku dulman saamiga qaranka aay damcan in aay ka hadlan dhibaatadan jirta ,aay caado u noqotay in madaxweynaha Somaliland uu noqdo ,sidii ninkii yidhi( waraabow boodo xaga hilbaha u bood) ,in uu u dhaqaaqo waxaan munaasib ahayn qancina Karin waxii aay bulshadu ka hadashay tusaale ahaan

Wakhtigii ay beesha hartigu ay ka mujisay saluuga soomaliland, waxii ugu wayna ee meesha yaalay waxa uu noqday gaf laga galay beelahaasi aynu wadanka wada leenahay oo ahayd habka saami qaybsiga, hadana xukuumada siiraanyo sawirka ay ka bixinaysay arintaasi waxaay ahayd in beelaha hartigu aanay ogolayn gooni isu taaga jamuuriyada Somaliland , laakiin sawirkaasi waxaa uu noqday mid qaldan ka dib markii waxmagaratadu aay ku soo bararugtay ,siyaasadii cirkasoo dhacda noqotay ee uu jeexay mujaahid xassan ciise jaamac ,taasoo ku aadanayd in dhismaha hooganka sare ee ururka xaqsoor si siman aay uga wada muqdan dhamaan beelaha Somaliland, si ururku u matalo inu yahay urur qaran oo higsanaaya in uu u gudbo xusbi qaran, taasina ay fashilaad ku keentay tan iyo xukuumadii ka horeeyay waxay garanwaayen ,arintaas oo sacad gudaheed colaadii tagnayd u badashay nabad galyo taama, iyo in beelihii hartigu hada ku doodayaan maxaa doorashada loo wada gaadhsiin wayey deeganka yaga ,hasayeeshe arintaas waxaa lagu xamanayaa xukumada hada jirta in aanay raali ka ahayn in doorashu wada gaadho deegankaas gobolada bari ,taas oo la leeyahay ,siyaasada xukuumada ay goboladaas guul daro kala kulantay,

Hadaba hadaan usoo noqdo qaabka mudan in dib loo saxo, ee had iyo jeer marka lagala hadlo xukuumada siiraanyo ay ka eegto dhanka guran ,waxaay tahay ,

HABKA SAAMI QAYBSIGA BEELAHA SOMALILAND

Hadaad is dul taagto sida aay udhisantahay xukuumada maxamed axmed siiraanyo ,waxaad dareemi karaysaa in 95.88%  aay gacanta ku hayso beesha dhexe, halka afarta beelood iyo badhka kale aay qabysadaan wixii kasoo hadhay intaas oo xitaa haday saluug la yimaadan intaas ay awlba hayeenun loo  kala jeexjeexo , hadaba inaan arintaas iftiimiyo waxaa igu kalifay madaxweynihii Somaliland ayaa waxa uu la mid noqday oo kale ( adaa buuqa samaysta hadana diida bulhaanka ) markaad ogtahay in xukuumada Somaliland qaab dhismedkeeda ay beel qudhi gacanta ku hayso ,beeshaas oo hormoodna ka ahaayd kala go,a somalida ,sababa keenay kala go,aasna ay salka ku haysay dulmi dhankasta leh oo kasoo gaadhay somalida inteedi kale, ayaa hadana manta noqotay waxaan la dafiri Karin in lagula dhaqmay beelihii kale waxii ay beeshasi ka cabanaysay oo ah, tusaale

1.       in aay saami qaybsiga kuraasta qaranka mudan yihiin inay ka soo galan darajada C afartaas iyo badhkaas beelood ee aan sare kusoo xusay

2.       in kuraasta qaar aay madnooc ka tahay in ay qabtan beelaha aan isaaqa ahayn ,kuraastaas oo kala ah

3.       madaxweynenimada

4.       madaxweyne ku xigeenka ( oo awoodisu anay dhafsiisnayn in uu maqas kaliya sito, kaas oo subaxdii la soo shaqo tago)

5.       gudoomiyaha barlamaanka

6.       gudoomiyaha guurtida

7.       wasaarada maliyada

8.       wasaarada arimaha gudaha

9.       wasaarada arimaha dibada

10.    wasaarada caafimadka

11.    gudoomiyaha maxkamada sare

12.    taliyaha ciidanka qaranka

13.    taliyaha ciidanka nabadgalyada

 

hadaba hadaan kusoo daro wakhtiyadii ay suro galka noqotay in arimahaas qaar kamida ay wax iska badalaan ,waxaad xasuusan karta in maxamed xaaji ibraahin cigaal u ahaa halyay ay ka dhab ahaayd jiritaanka soomaliland ,waayo wakhtiyadii aay suuro gashay in kuraastaas qaar kamidi aay qabtaan beelaha aan isaaqa ahayn waxay suuro gashay wakhtiigii uu madaxweynaha wadanka ka ahaa maxamed xaaji ibraahin cigaal, kaas oo aynu ku xasuusan karno in uu maskax iyo maalba galiyay surtagalnimada qaranimadeena ,suurtana galiyay inagoo ku sugan halka ay xamar manta marayso in uu mar qudha inasoo gadhsiiyo halka uu caalamku maraayo ,ilahaay isaga iyo wixii muslin ahaba haw naxariisto ,hadaba hadaan kusoo noqdo ujeedada qormadan , kurasta sida wadaniyada, dacadnimada iyo wax wada lahaanshuhu ku dheehantahay wakhtigaas suragalay in aay qabtan beelaha aan isaaqa ahayn waxaa ka mid ahaa

 

1.       gudoomiyaha barlamanka (oo ay wakhtigaas isaga kala danbeeyen ,xaabsade iyo oday qaybe)

2.       wasaarada maaliyada ( oo hal mar usoo qabtay pro gees)

3.       wasaarada arimaha dibada ( oo ay soo mareen ilahay haw naxariiste fagadhe iyo pro gees)

 

 

TALO BIXIN

 

Waxaa talo bixin iga ah si loo helo qaran Somaliland la yidha oo ka jira caalamkan aynu ku nool nahay

 

1.       Waa in si siman bulshada somaliland u wada yeelato qarankan dhibtiisa iyo dheeftiisaba

2.       Waa in kuraasta qaranku leeyahay laga saara kuwa beesha qudha kootada ugu xidhan

3.       Waa in laga bilaabo hada kuraasta qaranku lee yahay dhexda la dhiga loona qaybiya kuraasta A,B C, D

4.       Waa in beesha dhexe qadataa samiga ku haboon waayo waa beelka mida shanta iyo badhka beelood ee Somaliland ka kooban tahay

5.       Somaliland hadii la doonayo in aay aqoonsi buuxda heesho iyadu marka hore hays aqoonsato

6.       Magacaabista xilalkana waa in loo eega shakhsiga aqoontiisa,kartidiisa dacadnimadiisa , sumcada uu ku dhex leeyahay shacabka

By Cabdilahi Cismaan Cabdi Gadhle

 

 

Comments are closed