Sucuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen oo isku tuur tuuray masuuliyada cida duqeysay wershad dad ku dhinteen
Hodaida April 02,2015(SDN/QJ)-Qarax ka dhacay magaalada Hodaida ee dalka Yemen ayaa waxa ku dhintay ilaa 25 ruux oo ka shaqeynayay wershed sameysa Caaanaha.
Qaraxa oo ka dhashy gantaal wersheda lala beegsaday, madafaca wersheda ku dhacay ee khasaaaraha baaxadaa leh geystay Ayaan la garaneyn cida ka danbeysay.
Dawlada Sucuudiga oo hogaamineysa huwanta duqeynta ku wada kooxda loo caal waayay ee Xutuyiinta ayaa sheegtay in qaraxu ka dhashay gantaal ay falaagadu la beegsaneysay duyuuradahooda.
Halka ay Xuutiyiintu dhankooda Sucuudiga ku eedeeyeen in mid ka mida duyuuradahoodu wersheda caanaha ee Hodaida duqeyn u geysteen.
Dalka Yemen ayaa bilihii u danbeeyay wax aka socdey dagaalo ehli iyo diinba isugu jira oo u dhexeeyay xutiyiinta dalkaas iyo dawlada Suniga ah ee Yemen.
Dalalka Khaliijka oo Sucuudigu hogaaminayo oo ka walaacsan awooda Shiicada Yemen ayaa la safatay dawlada Yemen ee laga itaalka roonaaday.
Xulufada Suniyiinta oo garab ka helaya reer Galbeedka ayaa duqeymo ku haya xarumaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
SDN/QJ-Hodaida