|

Sucuudiga iyo Khaliijka oo Fasax Muslimiintu Lahaayeen U Beddelay Maalin Israa’iiliyiintu Nastaan

Riyad April 25,2013 (/SDNHubaal)- Golaha wada tashiga ee loo yaqaan Shuurada ee dalka Sacuudi Carabiya , ayaa go’aan ku gaadhay inay darsaan soo jeedin aanay sheegin cidda ka dalbatay oo ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo maalmaha fasaxa ee ay toddobaadkii sida caadada ah qaataan dadka ku dhaqan dalalka Islaamku oo hore u ahayd maalmaha Khamiista iyo Jimcaha , balse Goluhu doonayo inuu u beddelo.

Sida aanu ka soo xiganay wakaalladda wararka ee Boqortooyadda Sucuudiga oo shalay warkan baahisay waxa lagu xusay in dalka Sacuudiga mooyee, dhammaan dalalka kale ee khaliijku hore u go’aansadeen, kuna dhaqmaan in maalmaha fasaxa ee toddobaadkii noqdaan maalmaha Jimcaha iyo Sabtida, waxanu Sucuudigu tallaabadan marmarsiiyo uga dhigay in loo yeelayo si loo yareeyo farqiga u dhaxeeya dunida inteeda kale oo ah kuwa ku dhaqma [Diinta Kiristanka], isagoo geesta kalena ku andacoonaya , inay maalmahaa fasaxa ee muslimiintu saameyn ku yeesheen Ganacsiga , dhaqaalaha iyo Baananka dalkaasiba.

Golaha wada tashiga ee [SHUURA ] Boqortooyada Sucuudigu , waxa uu ka kooban yahay 150 Xubnood oo la magacaabo, kuwaas oo Boqor Cabdalla 30 ka mid ah uu ka dhigay haween, taasoo markii ugu horreysay gashay taariikhda dalkaasi, haseyeeshee golahaasi laha awood sharci oo loo dejiyey , waxayna isku raaceen in la soo darso isku beddelka maalmahaasi oo ah in maalinta Khamiista lagu beddelo Sabtida oo u ah Israa’iiliyiinta sida Jimcuhu u yahay dunida Muslinka.

Wakaaladdu waxa ay intaa ku dartay , in dalka Cumaan oo yahay dalkii ugu dembeeyey ee maalintii Khamiista ku beddelay Sabtida , taasoo dhaqan galkeedu ka bilaabmayo dalkaasi Bishan May ee foodda innagu soo haysa.

Arrintan waxa aad uga qeyliyey muslimiinta Sunniga ah ee dalka Sucuudiga oo u arka , in malmihii fasaxa ee dabayaaqada toddobaadkii oo ah Khamiista iyo Jimcaha loo beddelayo Jimce iyo Sabti , taasoo ay ku tilmaameen mid lagu xoogaynayo Diinta Juwishka , isla markaana lagu daciifinayo maalmaha muslimiinta.

Sucuudigu , waxa ay sheegeen in toddobaadkii hore loo shaqeyn jiray shan maalmood , shantaa oo ay ku sheegeen in saddex maalmood oo kaliya –ku beegmaan maalmaha dunida kale shaqeyso , iyadoo sida sheegeen uu Sucuudigu ka mid yahay Seyladaha ugu waaweyn ee ganacsiga caalamku ay saameyn ku yeesheen sddexdaa cisho ee shaqo ahaan la jaanqaadaya dunida kale ee aan muslinka ahayn .

Tallaabadani waxay sii wiiqi doontaa iskaashigii la filayey inay dunida muslinku sii xoogeeyaan ee weliba uu Sucuudigu horseedka ka ahaa marka laga eego dhinaca dhaqaalaha .

SDN-Riyad

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed