|

Su’aalo Daran doori ah oo Warbaahintu la Beegsatay Wasiirka Warfaafinta Somaliland {DHAGAYSO}

Hargaysa 25.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland oo Maanta Xafiiskiisa ugu Waramayay Warbaahinta ayaa ka hadlay Sababta ay Xukuumada uu ka Tirsan Yahay ugu diiday Xisbiyada Mucaaridka ahi inay Sameeyaan Isu soo bax ay kaga soo horjeedeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka ee Maalintii Shalay ay ansixiyeen Golaha Wakiilada ee Somaliland.

C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse” Waxa uu Sheegay in Xisbiyada Mucaaridku ay ka dib dhaceen Wakhtigii Sharcigu u ogolaa inay dalabka Mudaharaadkooda u  soo Gudbiyaan  Wasaarada Arrimaha Gudaha,Waxaa kale oo Wasiirku ka hadlay Qaabkii ay u dhacday Ansixintii Xeerka Wadooyinka,Aragtida Xukuumada uu ka Tirsan ee Xeerkan,Hadalo ka Soo Yeedhay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah iyo arrimo door ah oo Xaasaasi ah.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Su’aalaha Wasiirka Warfaafinta la Weydiiyay
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaWarfaafinta25.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed