|

Stockholm oo Habeenii Afraad Ololeysa Maxey tahay Sababtu?

Stockholm May 24,2013(SDN)-Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay waxa ka socday gadood ay sameynayaan dad Shaqo la’aan ka cabanaya oo ku nool xaafad ka mida magaaladaasi.

Dadka Gadoodka Sameynaya oo u badan dad waalidkood ama iyagu Soogalooti ahaan ay ku tageen dalka Sweden.

Waxa la arkayay dad dhalin yaro u badan oo wadooyinka xiray,booliskana shiidaya iyaga oo wejiyadooda qariyay.

Dhalin yarad gadoodsan ee rabshadaha dhigaya habeenkii afraad ayaa ka cabanaya cadaalad daro iyo shaqo la’aan saboolnimo baday.

Booliska Stockholm ayaa isku gedaamay xaadaha rabshaduhu saameeyeen si qasku aanu magaalada oo idil ugu baahin.

Rabshadaha ayaa biloowdey ka dib kolkii Boolisku ay toogteen nin ku noolaa Woqooyiga magaalada oo ah halka rabshaduhu haatan ka socdaan.

Dadka gadoodsan ayaa dhawrkii maalmood ee ay rabshaduhu socdeen ayaa waxa la gubay hanti aqalo iyo gawaari igugu jira.

 

SDN-Stockholm

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed