SSC-Khaatumo oo wacad ku martay in Ceerigaabo lla qabto
Laascaanood (QJ) – Hoggaamiyaha maamulka ku meel gaadhka ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa digniin culus u diray Somaliland, xilli uu khudbad ka jeediyay munaasibad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood. Digniintiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo ay weli socdaan xiisado colaadeed oo ka taagan gacan ku haynta gobollada Sool iyo Sanaag.
Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in ay u diyaar garoobayaan duulaan cusub oo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo ceshadaan deegaanada wali ka maqan gacantooda, isagoo balan qaaday hadii loo baahdo in ay awood ciidan u adeegsan doonaan qabashada deegaanadaasi.
Wuxuu si gaar ah u soo hadal qaaday magaalada Ceerigaabo oo ay hadda gacanta ku hayso Somaliland, wuxuuna wacad ku maray inay ciidamadooda ka saari doonaan.
Firdhiye ayaa sidoo kale fariin u diray bulshada SSC-Khaatumo, wuxuuna ku booriyay inay u diyaar garoobaan dagaalka, si firfircoonna uga qayb qaataan halganka socda.
“Waxaan rabaa in aan u sheego bulshada SSC meel kasta oo ay joogaan in ay u diyaar garoobaan sidii aan ugu socon lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag oo aan weli awooddeenna ka baxsanayn, si aan u dhamaystirno dagaalka dhulkayaga iyo masiirkeenna,” ayuu yidhi Firdhiye.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay caburin ku hayaan shacabka deegaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda SSC, wuxuuna ballanqaaday inay ka hortagayaan falalkaas.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay dagaallo ka dhaceen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, inkastoo markii dambe ciidamada SSC dib loo riixay.