|

SSC-Khaatumo oo laga reebay ciyaaraha Gobolada Soomaaliya

Muqdisho December 15, 2023 (QJ) -Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si wada jir ah u shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee tartanka maamul goboleedyada ee sanadka 2023-ka ee ka dhici doona gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa lagu dhawaaqay tirada kooxaha sida rasmiga ah uga qayb galaya tartanka. Munaasabada ayaa waxaa furitaankiisa ka hadlay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino” iyo Agaasimayaasha Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tartanka Kubadda Cagta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u furmi doona 29-ka bishan, wuxuuna ka socon doonaa Magaalada Muqdisho muddo todobaad ah.

Tartanka waxaa ka qeyb galaya xulalka Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo laga reebay ka qeyb galka maamullada cusub ee Khaatumo iyo Puntland.

Intaa waxaa dheer, waxaa kordhay tirada kooxaha ka qaybgalaya 22 ilaa 25 sanadkan. Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya aysan wali si rasmi ah uga hadlin in maamullada cusub ee Khaatumo iyo Puntland laga reebay tartanka.

Comments are closed