SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeysay colaad hurin
Laascaanood October 15, 2023 (QJ) – Maamulka SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay inay colaad ka hurinayso deegaamo hor leh oo ay hubaynayso beelaha deegaanadaa, sidoo kale waxay sheegtay inay ciidamo gurmad ah u direen.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Amniga iyo Difaaca ee SSC Khaatumo, Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay colaad ka curisay deegaamo hore oo nabad ah, gaar ahaan Qorulugud, waxaana lagu in arintaa sii hurisay xiisadda.
War saxaafadeedka ayaa soo jeedinaya in SSC Khaatumo ay diyaar u tahay inay difaacdo deegaanadeeda, waxayna beesha caalamka ugu baaqaysaa inay garwaaqsadaan in mas’uuliyadda colaadda ka dhalata arintay ay qaadeyso Somaliland. Waxay ku nuuxnuuxsatay in SSC Khaatumo ay hiigsanayso soo celinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka.
Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Sabtidii sheegay in dowladdiisa aysan aqbalayn maamul loo sameeyo gobollada SSC, ayna ka go’an tahay inay difaacdo dhulka Somaliland.