Home » Sports
You are browsing entries filed in “Sports”
Ghana-29-Nov-2013-SDN-Akhyaartay faaqidaaddeena ciyaaraha waxaynu ku jibaaxaynaa xulka Ghana oo hantiday Wafu Cup,markii aay khaarijisey xulka Senegal. Ghana ayaa u dhameysey Senegal final-na tagtey iyada oo aan laga badin(GO TV Wafu Cup) korna u qaadey TROPHY,markii 3-1 ku dhirbaaxdey. Ciyaartan oo aad u xiiso badneyd ayaa xulka Ghana daqiiqaddii 2-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta goolkii […]
Posted in Sports | Read More »
Sao Paulo-Brazil-Nov-29-2013-(SDN) Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa garoonkii weynaa ee loogu talagaley in lagu furow koobka kubadda cagta ee aduunka Brazil 2014-ka oo dumey kuna dhinteen 2-ba shaqaalihii ka mid ahaa. Laba wiig ayaa ka hadhsaneysd in qorituurka loo sameeyo 32-dii dawladood ka qeybgali lahaa tartankan. Haddaba garoonkan oo lagu magacaabo Itaquerao Stadium ayaa […]
Posted in Sports | Read More »
Spain-Bernabeu Stadium-Nov-28-2013-(SDN)-Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta kula tukhatukhaynaa ciyaar ka tirsaneyd Uefa Champion League dhexmarteyna Real Madrid iyo Galatasary. Ciyaartan oo runtii aad u xiiso badneyd ayaa waxa ka soo qeybgaley dadweyne aan la soo koobin Karin oo la ciir-ciiraya in ka badan 75,000 iyo dabcan taageerayaasha labada dhinac. Labadan naadi oo kuwada jira (Group […]
Posted in Sports | Read More »
Takuhro Nakai-Japan-Nov-25-2013-Akhyaartay Koonkan Ilaahay abuurtey inta aad nooshahay waxaad ku arkaaysaa wax kaa yaabiya,Magaalada lagu magacaabo Takuhro Nakai oo ku taala dalkaa japan ayaa waxaa ku nool wiil yar oo 9-aal jir ah Ilaahayna hibo u siiyey xirfad kasta oo kubadda cagta lagu ciyaaro,bacdamaa aay naadiyaasha aduunka tartan ugu jireen sidii ay ku hanan lahaayeen […]
Posted in Sports | Read More »
Italy-San Siro Stadium-Nov-25-2013-(SDN)-Akhristiyaal Barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu ku wajahaynaa naadiga facaweyn ee Ac Milan oo horyaalka Talyaaniga kaalinta 13-aad kaga jirta maxaa si ka ah? Todobaadkii hore waxaynu barnaamijkeenii ciyaaraha ku soo qaadaney isqab-qabsiga badan ee faraha lagaga gubtey kana dhexeeyey madaxda sare ee naadiga Ac Milan hormodkuna ka ahayd gabadha uu dhaley malkiilaha naadiga Berlusconi. […]
Posted in Sports | Read More »
Munich-23-2013-(SDN)-Asxaabtay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku jibaaxaynaa ciyaar aad u xiisa badneyd oo dhexmartay labada naadi ee jarmalka ugu weyn Bayern Munich iyo Borussia Dortmund. Ciyaartan oo ka tirsanayd horyaalka Germany (Bundesliga) ayaa waxaa ka soo qaybgaley dadweyne la ciidh-ciidhaya 82,500 iyo dabcan taageerayaasshooda waraabowga qaba. Ciyaartan oo qeybtii hore labada kooxood isku dheeli tirnaayeen ayaan […]
Posted in Sports | Read More »
World Cup-Brazil-23-2013-(SDN)-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku xasheynaa u soo bixitaankii xulal qarameedkii ka qeybgali lahaa koobka kubadda cagta ee aduunka (Brazil 2014)oo lagu kala faraxashey. Aalaba koobkan kubadda cagta ee aduunka ayaa la qabtaa 4-tii sanadoodba marba,waxaana la xaqiijiyey oo daaha laga qaadey 32-da dawladoo,waxayna kala yihiin sidatan. Qualified nations out of AFRICA Algeria Cameroon […]
Posted in Sports | Read More »
Ghana-Nov-23-2013-(SDN)-Akhyaartay todobaadkan iyo qormadeena ciyaaraha waxaynu kaga dhawaajineynaa Confederation Of African Football (CAF) u qeybsamaha xagga tiknikada Ben Koufie ayey ka soo yeedhey in la kobciyo tababarayaal heer sare ah oo ka hawlgala qaaradda Afrika. Tani waa inay is badashaa,Afrikana waa inay maamulataa hawlaheeda u goonida ah si aduunweynuhu inoo ixtiraamo ereyadaasuna Ben Koufie ayey […]
Posted in Sports | Read More »
Stockholm-Sweden-Nov-21-2013-(SDN)-Saaxiibayaal qormdadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa xiddigii reer Portugal iyo Real Madrid Christiano Rolando oo qarka u saran inuu ku guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or,markii uu ciyaartii dhex martey xulkiisa iyo xulka Sweden boodhka iska jafey. Xulka Portugal ayaa labadii kulan kana tirsnaa isreebreebka kubadda cagta aduunka 1-0 iyo 3-2 uga badeiyey xulka Sweden marka […]
Posted in Sports | Read More »
Yaounde,Cameroon-Nov-18-2013-(SDN)-Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu faaqideynaa ciyaartii dhexmartey xulka Cameroon iyo xulka Tunisia,kana tirsaneyd isrebreebka koobka kubadda cagta ee aduunka ka dhicidoonta dalka Brazil 2014. Labadan xul ayaa lugtii hore (First Leg) ku wada ciyaarey Tunis wallow aan waxba la iska dhalin kuna dhamaatey 0-0. Haddaba ciyaartan oo la wada sugayey ahaydna lugtii labaad(Second Leg) ayaa […]
Posted in Sports | Read More »