|

Spain Oo Uu Ka Soo Baxay War Farxad Geliyey Dawladda Xasan Sheekh

 

Madrid:05-Jan-2014(SDN)-Wararka ka Imanay Waddanka Spain, ayaa sheegaya in Wasaaradda  arrimaha dibada dalka Spain ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay dagaalka ay kala horjeedo kooxaha Argagexisada ah ee shacabka soomaaliyeed dhibaatada ku haya.

 

Flag-Pins-Spain-SomaliaWasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Spain ayaa dhawaan dareen debecsan ka bixisay Weerarkii lagu qaaday Hutel Jazera ee magaalada Muqdisho, iyadoo wasaaraddu masuuliyadda weerarkaasna dusha ka saartay kooxda Al-shabaab.

Jariidada ABC ee dalka Spain kasoo baxda ayaa soo xiganaysa wasaarada arimaha dibada dalkasi oo sheegtay in qaraxyada argagexiso ee Soomaaliya ka dhacaya ay tahay waxaan caqli gali Karin waxana uu muujinaya xagjirnimada oo kusii baaheysa Soomaaliya.

 

War saxaafadeed ay wasarada soo saartay ayaa lagu sheegay sida ay Spain u garab taagan tahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku doonayo sidii ay u soocelin laheyd xasiloonidi dalka iyo xaqiijinta horu marka dhaqaale iyo mida bulsho ee dalka dhaca bariga Afrika.

Warkan ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibadda ee Waddanka Spain ayaa dawladda federalka somalia u ah mid farxad leh, waxana ay muujinaysaa in caalamku maanta diyaar u yahay inuu la shaqeeyo somalia, balse somalida looga baahan yahaya inay ka faa’iidaysato.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed