|

“Sow Wasiirkiinii Ma ahi,Burco anaa Wasiir u ah Wixii aad ka Cabanaysaan Waanu dhamaynaynaa” Wasiirka Xoolaha Somaliland,Xubnihii la Socday iyo Natiijada Rabshadihii Burco {DHAGAYSO}

Burco 24.Dec 2013 (SDN)- Hal qof ayaa ku dhintay, 2 kalena way ku dhaawacmeen mudaaharaad  ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Koox dhallinyaro ah oo la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin beddelka taliyihii qeybta booliska ee gobolka Togdheer, gaashaanle Dhexe Axmed Xasan Cabdiraxmaan (Axmed Ilkacase) ayaa taayerro ku gubay qaar ka tirsan waddooyinka magaalada.

Qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawacantay waxaa haleeshay rasaas ay fureen ciidanka booliska Burco.

Taliyihii booliska gobolka Togdheer Axmed Ilkacase oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa ka dalbay in ay bannaanbaxa joojiyaan, si uusan amniga faraha uga bixin.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji ayaa ka codsaday dibadbaxayaasha in ay is dejiyaan.

Sidoo kale Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,Qorshaynta Qaranka,Beeraha iyo Horumarinta Miyiga ayaa la Sheegay inay Ku Guulaysteen soo afjarida Shaqaaqadan.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadaladii Wasiirada Burco
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShaqaaqoBurco24.mp3″]
1-150x150 1-300x165 3-150x150 4-150x150 5-150x150 21-150x150

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed