|

Sooomaalya, IMF iyo Baanka Aduunka oo kawadahadalay koboca ganacsiga

Nairobi March 07, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu kaga qeyb galayay shirka horumarinta maaliyadda ee ay IMF-ta ku caawineyso dowladda Soomaaliya ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya ee taageera Soomaaliya. Dowladda, oo ay ku jiraan Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Bangiga Adduunka, iyo madaxda Bankiga Horumarinta Afrika.

Sidoo kale, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa ka wada hadlay taageerada dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka. Midowga Yurub waa mid ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan Soomaaliya ee dadaallada dib u dhiska dalka.

Kulanka uu la qaatay Bangiga Adduunka oo ay guddoomineysay Ms. Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kaalmada maaliyadeed iyo horumarinta qeybaha ganacsiga ee la doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wadashaqeyntan ayaa lama huraan u ah soo kabashada dhaqaalaha iyo kobaca Soomaaliya.

Comments are closed