Soomalaiya oo qiimeyensa maaliyada dalka
Muqdisho March 03, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ahna ku simaha Wasiirka Qorsheynta ahna Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta furay shirka dib u habeynta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), kaas oo socon doona muddo toddobaad ah.
Shirkan oo maanta billowday ayaa waxaa dib u eegis loogu sameynayaa horumarka dhaqaale ee ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya, oo muddo Sadex bilood ka hor laga cafiyay deymihii lagu lahaa Soomaaliya
Shirkan oo maanta billowday ayaa waxaa lagu eegi doonaa horumarka dhaqaale ee ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib muddo saddex bilood ah oo ay hakad ku jirtay dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ajandayaasha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa ah sare uqadidda dakhliga Dowladda, hannaanka Maamul-Wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Xukuumadda Soomaaliya ay la yimaadeen isbedello muhiim ah oo la doonayo in lagu hormariyo Maaliyadda Dowladda, iyadoo dadaallo badan ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.
Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa u mahadceliyey dhammaan hay’adihii ka soo qayb-galay shirka sida Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha, Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.
Gabagabadii shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dib markii la dhameystiray barnaamijka deyn cafinta ee dalka.