Soomaaliya oo Cad quudheed kala huleeshay shirkii London iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadhadii kula dul Kufay Somaliland
London May 10,2013(SDN)-Dawlada Dalka Soomaaliya ayaa ka helin shirkii London taageeradii ay caalamka ka fileysay si ay u meel mariso qorsheheeda ku wejahan sidii dib loogu habeyn lahaa hay’adaha dawladed ee dalka.
Dawladaha Denmark,Qadar,Britain,Mareykan iyo midawga Yurub ayaa lacago aad uga yar kuwii la filayay ugu yaboohay dawlada Soomaaliya.
Denmark ayaa ku yaboohday $70 million,UK $50million,Mareykan $40 milion,Europe $40 million,Qadar $18 iyo dawlada Turkiga oo $10 million ugu yaboohday Soomaaliya.
Natiijada Shirka ka soo baxday iyo hoos u dhaca yaboohyada dawladihii Aduunka lagu tuhmayay ayaa lagu sababeeyay sidii ay u qaadeceen shirka Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo dawlada Somaliland.
Sidaana waxa laga dhadhansan karayaa hadalo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh jeediyay shirkii dabadeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay mar uu kulamo kala duwan London kula yeeshay jaaliyadaha Soomaaliya ee UK in dawladiisu ay ku dhaaratay in ay midnimada dalka muhiimada kowaad siineyso.
“Dawlada Soomaaliya waxa ay isku heysaa in ay xoogeyso dadka reer woqooyiga ah ee isaga yimi woqooyi kolkii gooni isu taaga lagag dhawaaqay iyo in ay sasabto kuwa labada gobol ee yar yar heysta ee leh waan koeynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo London kula hadlayay Soomaalida halkaa ku nool.
Hadaladan kala duwan ee ka soo yeeraya Madaxweynaha Soomalaiya ayaa lidi ku ah qodobkii 7aad ee ka soo baxay shirkii Turkiga oo lagu heshiiyay in laga waan toobo hadal iyo ficilba wixii keeni kara in ay labada dhan kala fogaaadaan.
Shirkii London ee Sanadii hore ayaa u muuqday mid ka meeqaam sareeya kana natiijo wanaagsanaa kolka la eego sida uu isugu soo dhaweeyay dhinacyada Soomaalida.
Shirkii London ee May 7deedii London lagu qabtay ayaad moodaa in xurfug hor leh dhex dhigay dhinayada siyaasada Soomaalida iyo dawlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Sidoo kale waxaan cadeyn halka ay ku danbeyn doonto cilaaqaadkii London la leheyd Soomaaliada Qaadacday Shirka.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com