Soomaaliya oo xusaysa Maalinta Xornimada
Soomaaliya waxa laha xusayaa sanad guurada 62-aad ee aksoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka qaadatay xornimada dalka Talyaaniga oo gumaysan jiray dalkaas.
Munaasibado kala duwan oo lagu xusayo ayaa lagu qabtay gudaha Soomaaliya, iyadoo munaasibadda ugu wayni ay xalay ka dhacday Villa Soomaaliya halka maanta taalada SYL ubaxyo uu dhigay madaxweynaha Soomaaliya.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dawladaha Afrika ee Talyaanigu gumaystay iyadoo imika la xusayo sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegtay markii Talyaanigu xornimo siiyay Soomaaliya.
XAALADDA ADAG EE SOOMAALIYA WAJAHAYSO
Sanad guuradan 62-aad ee xornimada Soomaaliya ayaa imanaysa xili Soomaaliya wajahayso duruufo adag oo abaartu ay kow ka tahay, taas oo gaabis ka dhigaysa hawlaha dawladda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa arintan si gaar ah xalay uga hadlay isagoo balan qaaday in dawladdiisu ay ka shaqayn doonto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira deegaanada badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay in malaayiin Soomaali ahi ay wajahayaan cunto yaraan iyo sidoo kale xaalado macaluul isu bedeli kara, waxaanay sheegtay in dagaalka Yukrayn uu gaabis ka dhigay hawlaha gargaarka.