|

Soomaaliya oo xooga saareysa kobcinta Karaanka Aadanaha

Muqdisho May 20, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray soo xiray shirka kobcinta Karaanka Aadanaha ee Sannadlaha ah ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda qotoda dheer ee ay waxgaradka Soomaaliyeed siiyeen kor u qaadista awoodda iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in dhallinyaradeenna lagu kobciyo xirfadaha, taasoo u sahlaysa inay si hufan wax ugu soo kordhiyaan bulshada. Wuxuu tusaale u soo qaatay guulihii ay gaareen dalalkii mudnaanta siiyay horumarka karaanka aadanaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay garwaaqsatay muhiimadda arrintan, iyadoo la sameeyay Xafiiska Horumarinta Karaanka Aadanaha.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasaaradaha arrimaha bulshada heer federaal iyo heer maamul goboleed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, safiiro, madax ka socotay hay’ado caalami ah.

Comments are closed