|

Soomaaliya oo u jawaabtay Ruto

Muqdisho May 28, 2024 (QJ) -Dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal Madaxweynaha Kenya William Ruto dhawaan uu ka sheegay dalka Mareykanka oo ahaa in haddii ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay isaga baxaan Soomaaliya in kooxda Al-Shabaab ay si fudud ula wareegi karto dalka Soomaaliya.

Isagoo ka jawaabaya, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa si kulul u beeniyay hadalka madaxweyne Ruto, wuxuuna ku tilmaamay mid aan sax ahayn. Balcad ayaa ku nuux-nuux saday in xaaladda Soomaaliya ka jirta aysan ula mid ahayn tan Afgaanistaan, isla markaana ciidamada ATMIS-ta ay ka bixi doonaan dalka waqtigii loogu talagalay, isagoo meesha ka saaray walaaca laga qabo in Al-shabaab ay la wareegaan gacan ku heynta dalka.

Dowladda Kenya oo ciidamo qeyb ka ah ATMIS-ka ay ka joogaan Soomaaliya ayaa u muuqata in ay door bideyso in ay sii joogto Soomaaliya si ay uga faa’iideysato siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Comments are closed