Soomaaliya oo Sideed sanadood ka dib Koobka Kubedda Cagta Aduunka la daawanayo
Muqdisho June 13,2014(SDN/QJ)-Soomaaliya ayaa mudo sideed sanadood dabadeed lagadaawanayo ciyaaraha Kubedda cagta ee aduunka.
Ciyaaraha oo shalay la furay ayaa waxa degaanada laga xoreeyay shababaabka la arkay iyada oo la daawanayo ciyaaraha aduunka.
Sanadii 2006dii ayay shabaabku waxa ay amar mamnuuca dul dhigeen goobaha kubada cagta laga daawado ee Soomaaliya.
Waxaana si qarsoodi ah ay dadku ku daawan jireen ciyaaraha Kubedda cagta ee caalemiga ah.
Sidoo kale waxa shabaabku joojiyeen ciyaarida ciyaaraha kala duwan ee dhalinyaradu ciyaarto oo ay ku tilmaameen xaaaraan.
Waxa ciyaaraha aduunka eek a socda dalka Brazil noqonayaan kuwii u horeeyay ee in mudo ah la daawado iyada oo codkana kor loo qaaday.
Kooxda Shabaabka ayaa laga faro maroojiyay degaano baahsan oo ku yaal gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@qurbejoog.com