Soomaaliya oo shirka ka hotaga argegixisada ka qeybgashay
Riyadh February 04, 2024 (QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kaga qeyb galay shirkii labaad ee Wasiirada Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada Islaamka (IMCTC).
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka argagixisada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhibaato weyn ku ah amniga Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu la wadaagay aragtiyo ku aaddan caqabadaha hortaagan Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, gaar ahaan wuxuu iftiimiyay tallaabooyinka Itoobiya ee ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah, laguna wiiqayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Wasiirada Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah ururka IMCTC, waxayna diiradda ku saareen sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha argagixisada iyo sidii loo wanaajin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dalalka Islaamka ee dhanka dadaallada militari ee la dagaalanka argagixisada.