Soomaaliya oo sheegtay in la soo afjarayo Gooni isutaaga Somaliland
Muqdisho March 10, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan soo afjari doonto wax uu ugu yeeray Riwaayadii 30-kii sano ee la soo dhaafay ka taagneyd ee gooni isu taagga Somaliland.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa midnimo Soomaaliyeed, islamarkaana Somaliland ay ka mid noqon doonto Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Guduhu oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah, waxa uu u muuqdaa in Soomaaliya laga yaabo inay midnimo ku qasbi doonto Somaliland.
Wasiir Fiqi oo shalay ka hadlayay munaasibad lagu taageerayay qoraaga da’da yar ee reer Hargeysa oo lagu magacaabo Maxamed Haldoor, ayaa sheegay in calanka Soomaaliya dhawaan laga taagayo magaalada Hargeysa.
Wasiir Fiqi ayaa ka mid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galayay wada hadalladii u dambeeyay ee dowladda Soomaaliya iyo Somaliland uga socday dalka Jabuuti. Waxa uu sidoo kale ka mid yahay dadka sida weyn ugu ololeeya Midnimada Soomaaliyeed.