|

Soomaaliya oo sheegatay dilka 100 Shabaab ah iyo faahfaahinta

Muqdisho. 12 September, 2022. (QJ)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegatay in ay dishay illaa 100 dagaalame oo ka tirsan kooxda alShabaab ee ka dagaalanta badhtamaha ee koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo tiradan badan lagu dilay deegaano kala duwan sida ay dawladdu sheegatay.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dawlada Soomaaliya, mudada ay socdeen dagaalo lagaga soo hor jeedo alShabaab waxay ciidamada dawladdu la wareegeen deegaano gaadhaya 20 deegaan oo ka kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug, kuwaas oo dhammaan ay imika ka arimiyaan ciidamad dawlada Soomaaliya.

War saxaafadeedka oo kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta waxa lagu caddeeyay in deegaanadan oo kaliya aanay ahayn ee ay ciidamada dawladdu sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda alShabaab.

Ma jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dhanka alShabaab oo soo gaadhay war-qabadka Qurbejoog, warkaas oo lagu xaqiijinayo ama lagu burinayo sheegashada dawladda Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe ka wada gudaha dalkaas hawl galo ballaadhan oo ka dhan ah kooxda alShabaab ee dagaalka hubaysan kula jirta dawlada, iyadoo alShabaab dhankeeda ay jibaartay weerarada ay la beegsanayso ciidamada dawlada iyo saraakiisha dawladda.

Comments are closed