Soomaaliya oo markale noqotay dalka ugu Musuqa badan noqotay
Muqdisho February 01, 2024 (QJ) -Hay’adda caalamiga ah ee baarta musuqmaasuqa, Transparency International, ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ah ee ku saabsan heerka musuqmaasuqa ee loo yaqaano CPI.
Warbixintu waxay soo saartay baaritaan ay ku sameysay 180 waddan, iyada oo mid kasta loo qoondeeyay 100 dhibcoood.
Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu musuq-maasuqa badan, iyadoo heshay 11 dhibcood oo kaliya. Danmark ayaa loo aqoonsaday dalka ugu musuqmaasuqa yar, isagoo keenay 90 dhibcood.
Marka la eego jaangooyooyinka ay adeegsato Transparency International, Soomaalidu waxay u badan tahay inay ku sii jiraan ama ku dhow yihiin halka ugu hoose ee CPI-da si joogto ah.