|

Soomaaliya oo maaalgashi ka baadigoobeysa UK

London November 21, 2023 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo hadda ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa shir-gudoomiyey Shirka Maalgashiga Soomaaliyeed ee Caalamiga ah oo UK ay martigelisay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo daah-furay shirkan ayaa u gudbiyay ganacsatada iyo maal-gashadayaasha UK in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qaybgalka dhaqaalaha caalamka ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin beeraha, iyo kalluumeysiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Wasiir Biixi ayaa carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in laga faa’ideysto fursadaha ganacsi ee UK iyo maalgashadayaasha si ay uga qeyb qaataan dhaqaalaha Soomaaliya ka dib markii uu dhawaanahan horumar ka sameeyay hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga dowladda Soomaaliya ee hadda ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska uga qeyb galaya shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, iyagoo kulamo la qaadanaya madaxda dowladda UK iyo hay’adaha kale ee dhaqaalaha inta uu socdo shirka.

Comments are closed