|

Soomaaliya oo liisano siinaysa cid kasta oo diinta Islaamka faafinaysa

Muqdisho. 4 December, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay taariikhda ku dhawaaqday in ay bixinayso liisano ama shatiyo la siinayo wadaaada diinta faafiya, sida uu sheegay wasiirka diinta Soomaaliya.

Mukhtaar Robow oo la hadlay wargayska caanka ah ee Ingiriiska kasoo baxa ee Guardian ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay bilaabi doonto liisano al siinayo cid kasta oo faafinaysa diinta silaamka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wuxuu xusay in lagu bilaabi doono imaamada masaajidada iyo macalimiinta dugsiyada quraanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa sheegay in Mukhatar Roobow uu saaxiibadiisii hore ku qancin akro in ay ka baxaan alShabaab. Isla wargayska The Guardian ee Ingiriiska ayuu Xasan Sheekh u waramay.

Soomaaliya ayaa halgan dheer kula jirta kooxda alShabaab oo sanado dalkaas ka dagaalamaysay isla amrkaana dishay kumanaan ka mid ah shacabka Soomaaliya iyadoo kooxdu maamusha qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Comments are closed