|

Soomaaliya oo laga cafiyay Deymihii Boostada Aduunka

Berne May 31, 2024 (QJ) -Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali oo ku sugan magaalada Berne ee dalka Switzerland ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) Mudane Masahiko Metoki xarunta dhexe.

Wasiirka ayaa codsaday in laga cafiyo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaareysa ku dhawaad ​​2 milyan oo dollar, taasoo lagu leeyahay ururkaasi si ay uga mid noqdaan xubnaha September 1982 ilaa 2018. Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa maadaama dhammaan shuruudihii lagu lahaa la buuxiyay.

Ka dib cafiskii deymaha, Soomaaliya waxaa si rasmi ah dib loogu soo celiyay xubin buuxda oo ka tirsan Ururka Boostada Adduunka (UPU), iyadoo si hufan u soo afjartay cunaqabateyntii ay la kulantay.

Wasiir Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan dib u dayactirka Boostada, isagoo caddeeyay inay muhiim tahay in dib loo soo nooleeyo Boostada dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahad-celiyay taageerada kala duwan ee UPU ay siiso Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay, gaar ahaan fududeynta hannaanka dib-u-soo-celinta Boostada, iyadoo ay jirto caqabado soo wajahay dib-u-soo-celinta kaabayaasha Boostada.

Comments are closed