Soomaaliya oo la gelshey xaalad degdeg ah
Muqdisho November 12, 2023 (QJ) -Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa kulankeedii ugu horeeyay la qaadatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Wasiiro, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, iyagoo ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay gurmad deg deg ah oo loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha, roobabkii da’ay ee ka dhashay khasaare baaxad leh. Waxa ay sidoo kale ka warbixiyeen gurmadyo ay ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelle.
Guddiga ayaa warbaahinta la wadaagay dedaalada la xiriira gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha. Shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka, maadaama xaaladdu ay tahay mid halis ah oo u baahan in si wadajir ah looga hawlgalo. Guddiga ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan dadkii horey uga qeyb qaatay, waxa ayna sheegeen in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan marxalada adag.
Agaasimaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa walaac gaar ah ka muujiyay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere oo fatahaado xooggan ay saameyn xooggan ku yeesheen bulshada.