|

Soomaaliya oo ku celisay bixitaanka ciidamada Itoobiya

Muqdisho October 05, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan muhiim ah oo ka dhan ah Itoobiya, isagoo caddeeyay in ciidamadooda aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka AUSSOM ee soo socda haddii aysan ka bixin heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland. Jaamac ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgalkan cusub uu dhawaan bilaaban doono, isla markaana uu bedeli doono howlgalkii ATMIS ee mudada dheer ka jiray Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in hadii Ciidamada Itoobiya ay ka horyimaadaan go’aanka Soomaaliya in loo arki doono in ay yihiin Ciidamo dalka gudahiisa ku sugan, taasina ay keentay in ay furmaan iska caabin hubeysan.

Hadalkan ayaa daba socda hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in ciidamada Itoobiya ay xoog kula wareegeen garoommada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo, kuwaasoo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Iyadoo arrimahaas laga duulayo, Soomaaliya waxay diyaarisay qaabab kale oo ay kaga duwan tahay ciidamada Itoobiya, iyadoo dhawaan Masar ay heshiis kula gashay in 10,000 oo askari loo diro Soomaaliya.

Leave a Reply