Soomaaliya oo Koronto balaarin ka sameyneysa Somaliland
Hargeysa December 06, 2022 (SD) – Somaliland na wax alaga hirgelinayaa mashruuc lagu balaarinayo korontada oo kharshkeeda uu amah ku bixinayo Bangiga aduunka isla markaana la soo marinayo Soomaaliya.
Baanka aduunka ayaa soomaaliya amaahinaya $150 million oo dollar oo Somaliland kaga soo beegmaya 50 million oo amaahdaa ka mid ah.
Xukuumada Somaliland ayaa hore tiroba dhawr jeer u diiday mashaariicda Soomaaliya oo shuruudoodu tahay dalab Hargeysa ka yimaada.
Somaliland oo gooni isu tag ku dhawaaqday 1991kii ayaa qaadacday mashaariic Soomaaliya loo soo mariyo, balse mucaaridka ayaa tiroba dhawr jeer sheegtay in xanibaadaasi saran tahay uun degaanada qaar.