|

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka EAC

MUqdisho June 07, 2024(QJ)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah uga qeyb-galay shir madaxeedka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee waddamada xubnaha ka ah ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey madaxda dalalka xubnaha ka ah taageerada iyo u ololeynta in Soomaaliya ay ku biirto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Furitaankii shirka ayaa waxaa uu Madaxweyne Maxamuud ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga dalalka xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay dhawaan wakiiladeeda u diri doonto Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dar daarmay madaxda kale ee EAC inay sii wadaan qorshayaasha cad cad ee wax looga qabanayo caqabadaha amni iyo kuwa dhaqaale ee ka jira gobolka. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah EAC.

Comments are closed