|

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka ugu Qisaaska badan

London May 29, 2024(QJ)-Amnesty International ayaa maanta soo saartay warbixinteeda sanadlaha ah, iyadoo liiska dalalka ay ka dhaceen dilalka ugu badan sanadka 2023-ka.

Warbixintu waxay iftiimisay in guud ahaan 1,153 xukun dil ah lagu fuliyay caalamka, iyadoo la sheegay in kumannaan dheeraad ah la rumaysan yahay in lagu toogtay Shiinaha.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shanta wadan ee ugu badan ee dilalka lagu fuliyay sanadkan 2023 ay kala yihiin China, Iran, Saudi Arabia, Somalia, iyo Maraykanka. Dalka Iran, ugu yaraan 835 qof ayaa lagu fuliyay xukun dil ah.

Sacuudi Carabiya ayaa fulisay 172 dil. Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku fulisay ugu yaraan 38 qof, halka Mareykanka uu fuliyay 24 dil. Tirooyinkan waxaa lagu faahfaahiyay warbixin sanadeedka Amnesty International ee dilalka sanadka 2023-ka.

Comments are closed