Soomaaliya oo isugu yeertay Jaamacada Carabta
Qaahira January 05, 2024 (QJ) -Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa codsatay in kulan deg deg ah ay yeeshaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.
Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya ay u gudbisay Jaamacadda Carabta codsi ku aadan in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.
Safiirka ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay codsatay kulanka deg degga ah ee looga hadlayo saameynta uu ku yeelan karo heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland, iyo sidoo kale khatarta uu ku keeni karo xasiloonida gobolka.
Dhowaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Jaamacadda Carabta uu ka hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, waxayna Itoobiya ugu baaqeen inay ka laabato mowqifkeeda oo ay raacdo shuruucda caalamiga ah.