Soomaaliya oo heshiis iskaashi la sexeexatay EUda
Brussales December 20, 2023 (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah si buuxda ugu biirtay heshiiska iskaashi ee u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika iyo Midowga Yurub (EU).
Munaasabad ka dhacday Xarunta Midowga Afrika ee Brussels ayaa waxaa heshiiska ku kala saxiixday Safiirka Soomaaliya ee dalalka Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yunis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde).
Heshiiska waxaa lagu fulin doonaa qaab sharci oo dhameystiran oo u dhexeeya Afrika iyo Midowga Yurub, kaasoo ka hadlaya dhinacyo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, horumarka bulshada, iskaashiga dhaqaalaha, xuquuqul insaanka, iyo arrimo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay si firfircoon uga qeyb qaadaneysay hey’ado iyo hey’ado kala duwan oo caalami ah, iyadoo xoojisay xiriirka ay la leedahay bulshada caalamka, waxaana la filayaa inay si weyn uga faa’ideysato la shaqeynta ururadan.