|

Soomaaliya oo dooneysa in ay ka mid noqoto Gollaha Amniga Afrika

Muqdisho (QJ) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in ay u sharaxan tahay xubinimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee AU PSC.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa dalabkan ku tilmaantay mid salka ku haya sinnaanta iyo ka qeyb qaadashada istaraatiijiyadda nabadda ee Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in Soomaaliya ay u sharaxan tahay Kursiga AU PSC ee 2025-2028.

“Muhiimada kursigan uu u leeyahay Soomaaliya waa in ay ku jirto rabitaankeeda ah in ay kaalin mug leh ka qaadato ajendaha nabadda iyo amniga ee Afrika, taasoo ka tarjumaysa safarkeeda dib u habeynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

Codsiga Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu gudbiyay Midowga Afrika, balse dalalka kale ee ku tartamaya kursiga ayaan weli la shaacin.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay horay uga laabatay damacii ay ku dooneysay in ay ku hogaamiso Midowga Afrika, taa beddelkeedana ay kursi aan joogto ahayn ka heshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Leave a Reply