|

Soomaaliya oo dib u bilowaday deeyn qaadasho, iyo IMF oo $100 million amaahisay

Muqdisho December 20, 2023 (QJ) – Sanduuqa Lacagta Aduunka IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay deyn cusub oo gaareysa 100 milyan oo dollar oo Soomaaliya la siinayo.
Deyntan cusub ayaa muhiim u ah horumarka socda, wax ka qabashada dhameystirka deyn cafinta Soomaaliya, iyo tayeynta hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

IMF ayaa carrabka ku adkeysay taageerada maaliyadeed iyo guud ahaan taageerada ay saaxiibada caalamku siinayaan Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la joogteeyo dadaallada lagu doonayo in lagu soo kabto dhaqaalaha Soomaaliya.

“Barnaamijku waxa uu taageeri doonaa dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku sii waddo dib-u-habaynta dhaqaalaha ee muhiimka ah, waxana ay sees u noqon doontaa koboc loo dhan yahay oo waara,” ayaa IMF lagu yidhi bayaan ay soo saartay.

IMF ayaa bishii November ku dhawaaqday in heshiis hordhac ah ay la gashay dowladda Soomaaliya, kaasoo qeexaya bixinta 100 milyan oo dollar oo taageero maaliyadeed ah oo qeyb ka ah miisaaniyadda dowladda.

Go’aanka Guddiga Sare ee IMF ayaa yimid kadib markii dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii ugu badnaa, taasoo rajo wanaagsan ka muujisay rajada dhaqaale ee dalka.

Comments are closed