Soomaaliya oo dagaal ay la gasho Itoobiya u diyaargarowday
Muqdisho January 15, 2024 (QJ)-La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u diyaar-garowday dagaal ay la gasho Itoobiya si ay uga joojiso aqoonsiga Somaliland. Lataliyaha ayaa sidaa u sheegay The Guardian.
Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa yiri, “Waxaan wadnaa hirgelinta dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay ku soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Axmed uu rabo dagaal.”
1-dii Janaayo, Itoobiya waxay heshiis lama filaan ah la gashay Somaliland, kaas oo oggolaaday in laga dhiso saldhig ciidan oo badda ah Somaliland, taas beddelkeedana ay suurtogal tahay in la aqoonsado Somaliland.
Tallaabadan ayaa ay walaac ka muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda, isla markaana heshiiskaasi uu halis ku yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD oo dhawaan ka furmaya magaalada Kampala, kaasoo looga hadlayo xiisadaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. IGAD waxay hiigsaneysaa in xal loo helo khilaafka cusub ee u dhaxeeya labada dal.