Soomaaliya oo curyaaminaysa xidhiidhkii la naawilayay ee Maraykanka iyo Somaliland
Hargeysa. 16 September, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey ka shaqaynaysay sidii ay isu hortaagi lahayd qorshihii heshiiska Iskaashi ee Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo hindisihiisa ay wadaan Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Maraykanka.
Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sharci-yaqaano iyo dad magac leh oo Maraykanka ah oo dhinaca galaan-galka siyaasadda Mareykanka ku shaqaysta siisay dhaqaale badan si loo fashiliyo iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka.
Sharci-yaqaannadan iyo Xubnaha lobbyists ah, oo taageero ka helaya jaaliyaddaha reer Somalia ee Mareykanka, ayaa cadaadisyo ku haya Dawladda Mareykanka oo ay ku riixayaan In ay joojiso la macaamilka Somaliland, isla markaana ay ku dhaqanto siyaasaddeed single Somalia Policy ama Soomaaliya mid ah.
Dagaalkan siyaasaddeed ee Somalia ku qaaday hindisaha ay wadeen Xildhibaannada Labada aqal ee sharci dejinta Mareykanka, ayaa keenay In uu hoos u dhaco dardartii uu ku socday qorshahani, inkasta oo aan loo wada nisbayn karin jiitanka hir gelinta iskaashigan dagaalka Somalia oo keliya, balse waxa jira caqabado dhawr ah oo ah kuwa ka yimid dhinaca Somaliland iyo dhinaca Mareykanka.
Kuwa dhinaca Somaliland ka yimid ayaa waxa ka mid ah siyaasadda guddaha Somaliland ka taagan wakhtigan ee la xidhiidha hubtani la’aanta doorashooyinka iyo talaabooyinkii lagu wajahay dadkii mudaharaadayaasha ahaa oo Xildhibaanno ka mid ahi kuwii u ololanayey iskaashiga Somaliland si adag u cambaareeyeen, Xukuumadda Somaliland oo aan hirgelinta iyo ka shaqaynta qorshahan aan awood badan saarin, balse kaga mashquushay arrimaha guddaha ka taagan.
Dhinaca Mareykanka, ayaa caqabadaha ka yimid, waxa ka mid ah in Waaxda fulinta gaar ahaan Wasaaraddaha Arrimaha dibedda iyo Gaashaandhigu ka cago jiidayaan meel marinta iskaashigan, sida uu sheegay dhawaan Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka uqaabilsanaa Afrika Tibor Nagy.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalka Somalia ku qaaday qorshahan, ayaa la filayaa inuu isna si toos ah u galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wakhtigan Safar ku jooga Mareykanka, isaga oo la kulmay Xoghayaha difaaca ee Mareykanka, oo ah masuuliyiintii Xildhibaannada Mareykanku ku baaqayeen in ay Fuliyaan qorshaha iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Isagu Arimaha socda kaga mashquulay arimaha gudaha ee Somaliland.