Soomaaliya oo codsatay wadahadal ay la yeelato Somaliland
Muqdisho December 06, 2022 (SD) – Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamuod oo la kulmay Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga iyo Norway ee Soomaaliya ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Madaxweynaha ayaa Turkiga iyo Norway uga mahadceliyay dedaaladooda arinkan la xiriira, diblomaasiyiinta labada dal ayaan dhankood wax war ah ka soo saarin kulanka iyo mawduuca wadahadal dhexmara Somalia iyo Somaliland.
Hadalkan ayaa imanaya xili Muqdisho ku mashquulsan tahay dagaalka Al Shabaab halaka Somaliland na ay ka jiraan Murano siyaasadeed oo salka ku ahaya dib u dhigida doorashada Madaxweynaha xili sharciyeedkiisu dhamaaday.