|

Soomaaliya oo ciidamo kale oo shisheeye ku bedeleysa ATMIS

Muqdisho February 16, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in dhamaadka sanadkan lagu bedelo ATMIS-ka Midowga Afrika ciidamo shisheeye.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Cali oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal socda, mana cadda illaa hadda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya inay noqon doonaan.

Ciidamadan cusub ayaa la farayaa in ay mudnaanta siiyaan goobaha muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho, sida safaaradaha.

Ciidamadan ayaan wax lug ah ku yeelan doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay si buuxda gacanta ugu dhigi doonaan ciidamada dowladda.

Tirada ciidamada la filayo ayaa u dhaxaysa 3,000 ilaa 8,000 oo askari. Hawlgalintooda waxaa loo qorsheeyay 12 bilood (hal sano), iyadoo suurtagal ah in la kordhiyo joogitaankooda haddii loo baahdo.

Ciidamada ATMIS-ka ayaa lagu wadaa in ay soo gaba gabeeyaan ka bixitaankooda Soomaaliya dhamaadka bisha December.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu kor u dhaaftay 21,000 oo askari, ayaa si tartiib tartiib ah isaga baxay, iyadoo ku dhawaad 6,000 oo askari ay dalka kaga hareen. Waxaa la filayaa in 4,000 oo askari la saaro bisha June ee sanadkan, iyadoo la qorsheynayo in sanadka oo dhan laga saaro ciidamada.

Comments are closed