|

Soomaaliya oo ciidamo geyneysa xadka Itoobiya

Muqdisho October 06, 2024(QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin looga hortagayo hubka sida sharci darrada ah loo soo geliyo dalka, kaasoo ka imaanaya dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xuduudaha dalka si loo xakameeyo hubka sharci darrada ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, loogana hortagayo qulqulka hubka sharci darrada ah, kaasoo halis ku ah xasiloonida guud ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay ku guuleysatay qaadista cunaqabateynta hubka waxa ay hadda diiradda saareysaa sidii ay u xakameyn lahayd hubka sida sharci darrada ah loo soo gelinayo, xilli dalka uu wajahayo colaado joogto ah oo kala dhaxeeya Al-Shabaab iyo xiisad diblomaasiyadeed oo kala dhexeysa Itoobiya oo ku xadgudubtay madax banaanida Soomaaliya.

Leave a Reply