|

Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda Khilaafka Badda

Ankara August 12, 2024(QJ)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku adkeysan doonto mowqifkeedii hore ee ku aadanaa dhowrista madax banaanideeda iyo dhulkeeda, inta lagu gudo jiro wadaxaajodka Itoobiya ee Turkigu dhexdhexaadinayo.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuux saday in Itoobiya ay ku heli karto badda Soomaaliya oo kaliya in ay raacdo axdiga Qarammada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS). Sharcigan ayaa dhigaya in dalalka aan badda lahayn iyo dalalka deriska ah ee xeebaha leh ay galaan heshiisyo ay ku heli karaan marin badeed.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay ka dib hadalkii Turkiga uu maanta ka furmay wada hadaladii u socday Soomaaliya iyo Itoobiya oo la sheegay in lagu soo afjari doono in Itoobiya ay hesho marin biyaha Soomaaliya, waase haddii ay Soomaaliya ogolaato.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xaqiijiyay in heshiis kasta oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya uusan wax u dhimi doonin madax banaanida Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Turkiga ay ka go’an tahay in xiisada labada dal lagu xaliyo wada hadal.

Wadahadalada maanta ka furmaya Ankara ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo ay labada dal ku gaaraan isfaham.

Comments are closed