Soomaaliya oo beenisay xidhiidh ay la yeelanayso Israa’iil
Muqdisho (QJ)- Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu sahaminayo xidhiidh diblumaasiyadeed oo lala yeesho Israa’iil.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta Muqdisho u xaqiijisay in uu been abuur yahay maqaalkii shalay lagu qoray wargeyska Times of Israel ee sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo in uu baarlamaanka kala hadlo xidhiidhka suurtagalka ah ee Israa’iil. Soomaaliya waxay si aan leex leexad lahayn u beeniyay jiritaanka xidhiidh cusub oo dhexmara Muqdisho iyo Tel Aviv.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda diiradda saarayo sidii uu shacabka Soomaaliyeed u gaadhsiin lahaa waxyaabaha mudnaanta u leh ee kala ah amniga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Shalay, warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysay diblumaasi Soomaaliyeed ayaa sheegtay, in dib ugu soo laabashada xukunka madaxweyne Xasan Sheikh, ay horumar wanaagsan u tahay xidhiidh cusub oo dhexmara Muqdisho iyo Tel Aviv.