|

Soomaaliya oo Africa ka dalbatay in Itoobiya la canbaareeyo

Addis Ababa February 18, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlayay shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Addis Ababa ayaa ugu baaqay xubnaha Midowga Afrika in ay si wadajir ah u cambaareeyaan damaca dhul balaarsiga ah ee Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee ay dowladdu ka gaartay xaqiijinta amniga gobollada kala duwan, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wuxuu si kulul u cambaareeyay damaca dhul balaarsiga ee Itoobiya, isagoo madaxda ku wargeliyay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in wax loo dhimo qaranimada iyo hoggaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyay ka bixitaanka ATMIS ee dalka Soomaaliya iyo sida ay ciidamada Qaranku ugu diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga dalka.

Wuxuu soo hadal qaaday horumarka ay ciidamada Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinacyada kala duwan ee amniga qaranka, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta qorshayaasha horumarineed.

Comments are closed