Soomaaliya oo 20 sano ka dib safiir u soo magacowday Mareykanka
Washington July 15,2014(SDN/QJ)-Dawlada Soomaaliya ayaa 20 sano ka dib safiir u soo magacowday dalka Soomalaiya.
Wasaarada Arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa shaacisay in Cumar Cabdirashiid ooh ore u ahaa Raiisul wasaare uu ay haatan dawlada Soomaaliya u magacawday Safiir.
Arinkan ayaa ku soo beegmaya laba sanadood ka dib kolkii Mareykanku bilaabay in uu gacan siiyo dawlada dagaaladu halakeeyeen ee Soomalaiya.
Mareykanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu Soomaaliya u soo magacaabo Safiir,waxaans haatan Mareykanka u qorsheysneyn in ay dib u furaan safaaradoodii Muqdisho.
Mareykanka ayaa xiriirkii siyaasadeed u jaray Soomaaliya sanadii 1991kii ka dib kolkii la riday dawladii dhexe ee dalka Soomalaiya.
Waxa sidoo kale akhjaairo u sii diray cilaaqaadkii labada dal Ka dib kolkii ciidamo Mareykanka ka socdaa oo Soomaaliya u soo gurmaday lagu laayay Muqdisho sanadii 1994tii.
Dawlada Obama ayaa haatan labadii sano ee u danbeeysay dardar gelisay kobcinta cilaaqaadka labada dal.
SDN/QG-Washington